Reer Baraawe
Meelaha ay ku badan yihiin |
---|
Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:
1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda. Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah. Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose. Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya. |
Luqada |
Diinta |
Dadka ay dhalyo wadagaan |
Reer baraawe (Af Ingiriis : Bravanese) sidoo kale loo yaqaano Barwaani, waa dad laga tiro badan yahay oo ku dhaqan meelo ka mid ah koonfurta wadanka Soomaaliya.[1]
Hordhac
Dadkani waxay deegaan magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxeena ku hadlaan luqad u gooni ah oo la dhoho Af-Baraawani ama (chimini ama chimbalazi), waa lahjad u dhow af-sawaaxiliga . Reer baraawe sidoo kale waxay ku hadlaan Af-tunni iyo af-maxaatiri. Dadka reer baraawe waa dad ganacsato ah, waxayna caan ku yihiin kaluumeesiga. waxyaabaha aad loogu yaqaano reer Baraawe waxaa ka mid ah cuntada macmacaanka ah, sida (Caano baraawe) oo soomaalida aad u xiiseeso, waa macmacaan laga sameeyo caano la karkariyay oo sunkor lagu daray iyo waxyaabo kale, kalarkiisa waxuu noqonaa gaduud, waxaa loo sameeyaa sida xalwada oo kale. Dhinaca musikada khatar ee ku yihiin, laakiin badanaa waxee ku heesaan heesaha af-baraawe, waa sida heesaha xamariga oo kale, wee ka duwanyihiin heeso dhaqameedka.
Dadka Soomaalidu waa kuwa ugu badan ee ku dhaqan wadanka Soomaaliya; ayadoo lagu qiyaasay ilaa 85% oo bulshada ahi ineey tahay Soomaali sax ah, halka inta kale ka soo jeedaan meelo kale oo caalamka ah.[2]
Intaasi marka laga yimaado Soomaalidu waxay isku qeybisaa reero iyo qabiilo kuwaasi oo guud ahaan ah 4 beelood.[3]
Bulshada Soomaaliga
![]() |
Qeyb ka mid ah silsilada |
Dhaqanka Soomaaliya |
---|
Dhaqanka |
Bulshada |
Diimaha |
Luuqada |
Siyaasad |
Bulshada Soomaaliya waa mashruuc xambaarsan macluumaad badan oo ku saabsan beelaha, reeraha, luuqadaha, tirada bulshada, heerka waxbarasho, caafimaadka, dhaqaalaha, diimaha iyo qodobo kale oo saamayn ku leh bulshada.
Dadka Soomaalida
Dadka Soomaalid waa bulsho ku dhaqan Geeska Afrika; gaar ahaan wadanka Soomaaliya, Jabuuti, deegaano ka tirsan wadanka Itoobiya, deegaano ka mid ah wadanka Kenya iyo meelo badan oo caalamka ah. Dadka Soomaalida ah waxay ka mid yihiin kooxaha Bulshada Soomaaliya; waana dadka ugu badan bulshada ku nool wadanka Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, dadka Soomaalidu waxay ku hadlaan Af-Soomaali oo kamid ah luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.
Soomaalida waxaa kala qaybiyey gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo kala ah: Talyaani Oo haystay Koofurta Soomaaliya; Ingriiska oo haystay Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland); Faransiiska oo haystay Xeebta Soomaaliya (Jabuuti); Itoobiya iyo Ingiriiska oo haystay Soomaali Galbeed (Soomaali galbeed); iyo Kenyaoo haystay deegaanka NFD.
Sidoo kale fiiri
Tixraac
- ↑ Ethnologue report for Somalia
- ↑ 2009factbook>"Nuqul Archive". Central Intelligence Agency. 2009-05-14. Waxaa laga kaydiyay the original 2016-07-01. Soo qaatay 2009-05-31. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin) - ↑ name="Abdullahi142">Abdullahi, Mohamed Diriye. Greenwood Publishing Group. p. 142. ISBN 0313313334 http://books.google.com/books?id=2Nu918tYMB8C. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)