Milix

Milix ama Cusbo (Af Carabi : ar Af-Taliyaani : sale Af Ingiriis : salt) waa Isku dhis macdan quruurax ah oo laga helo biyoha dhanaan e badaha. Cusbadu waxay ka samaysan tahay curiyeha Sodhiyaam iyo Koloriin, waa isku dhiska SodhiyaamKoloraydh (NaCl).
Si dabiici ah ayaa Milixda looga helaa biyaha badaha taas oo halkii litir ee biyaha bada ah 35g ayaa Cusbo ah una dhiganta 3.5%.
Cusbadu aad ayay muhiim ugu tahay dhismaha jidhka bani-aadamka, waana billowga dhadhanka ee wax walba. Guud aahaan qadarka cusbo ee ku jirta jidhka xayawaanka ayaa ka badan xadiga laga heli karo jidhka dhirta.
In ka badan 6000 oo sanno ka hor ayaa Milixda la isticmaali jiray, waxaanay ka mid tahay waxyaabaha ugu da'da weeyn ee Aadamuhu aqoonta u leeyihiin.
Sida caadiga ah Cusbada waxaa laga keenaa ayadoo la uumi-bixinayo biyaha bada ama laga qodayo godad eey ku qalshay. Sidoo kale warshaduhu waxay ka sameeystaan falgalka Sodhiyaam iyo Koloriin.
Marka laga yimaado ku darsiga cuntada iyo cabitaanka, isku dhisyada Milixda waxaa loo isticmaalaa in laga sameeyo kimiko warshaduhu isticmaalaan, bacaha, waraaqadaha xamagta iyo waxyaabo kale oo badan.
Waddanamaha Milix Dundia
[wax ka badal | wax ka badal xogta]China 62,000,000 tons
United States 40,000,000 tons
- Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:
1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge
Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.
Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.
Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.
Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya. 6,000,000 tons
United Kingdom 6,000,000 tons
Serbia 16,000 tons
Kenya 24,000 tons
Djibouti 30,000 tons
Brazil 10,000 tons