Jump to content

Daarood

Ka Wikipedia
Diiriye Guure, Suldaanka Si'iid Harti iyo Darawiish
Daarood
دارود
Meelaha ay ku badan yihiin
Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.,  Itoobiya,  Kenya,

Luqada

Soomaali

Diinta

Sunni Islam, Suufi, Ghair Muqallidiinta, Jama'atul Muslimin

Dadka ay dhalyo wadagaan

Dir, Hawiye, Isaaq, Raxanweyn iyo qabiilo Soomaali kale

beelaha darod

Daarood (Af Ingiriis : Darod; Af Carabi : ar‎) waa beel ka mid ah beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika. Beesha Daarood waxaay degtaa wadanka Soomaaliya , Jubaland Galmudug iyo Puntland wadanka Itoobiya iyo deegaano ka tirsan wadanka Kiinya. Guud ahaan, beesha Daarood waxaa ka farcama reero badan oo ka mid ah Mareexaan: Absame, Harti (Warsangeli, Reer-Darawiish, Dishiishe iyo Majeerteen) Abdi Koombe(Jambeel,Waleenbo Cabdi, Garwayne) Lailkase iyo beelo kale.

Daaroodku Wuxuu ku hadlaa lahjad isku mid ah waase jiri karaan waxyaabo yar yar oo lagu kala gedisnaan karo taas oo intii hadba isku deegaanii ay ereyada qaybtood isku si u adeegsadaan'ama ugu dhawaaqaan.

Hordhac

Asal ahaan shacabka Daarood waxay ka yimaadeen Dawlada Jabarta. Ismaaciil Jabarti wuxuu ahaa amir horseed iyo hogaamiye oo faafiyey diinta Islaamka gaar ahaana waxa uu ka soo degay meel u dhaw degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa uu mudo diinta Islaamka ka faafinayey dhulka Bariga iyo Bartamaha Geeska Afrika. Daarood waxaa dhashay Doombiro Dir.

Muuqaalo

Haylaan
Qabriga oday Daarood

Odaygii ay ka soo tafiirmeen beesha Daarood wuxuu ku aasan yahay magaalo la yidhaahdo Haylaan, taasi oo 35 km u jirta magaalada Badhan ee waqooyi-bari gobolka Sanaag, Soomaaliya.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: