Jump to content

Caluula

Ka Wikipedia
Caluula

Caluula

علولة
Magaalo
Muuqaalka magaalada 2021
Script error: The function "Somaliland" does not exist.
WadankaWanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
GobolBari
DegmoDegmada Caluula
Dowlada
 • NuucaDowlad
 • [Duqa magaalada]Shire Abdi ismail Goonyacade
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

[[File:Aluula20s1.jpeg|thumb|358x358px|[[File:Aerial view of Alula town.jpg|thumb|353x353px|Alula, 2021[1]]]]] Caluula (Af Ingiriis : Alula , Af Carabi : ar‎)waa degmo ku taala gobolka Bari, waxey u dhawdahay Raas Caseyr.

Taariikkh

Xilligii gumeeysiga Talyaaniga Degmada Caluula waxay ahayd degmada ugu horaysa Dhinacyada siyaasada , dhaqaalaha , waxbarashada , caafimaadka iyo horumarka , waxaan tusaale u soo qaadankarnaa dhinaca siyaasada inay ahayd magaaladii ugu horeysay oo lagu kala saxiixday heshiiskii dhexmaray boqortooyadii Majeerneeniya iyo Talyaaniga taariikhdu markay ahayd 1903

Qunsulkii ugu horeeyey oo Talyaaniga usoo magacaabo Boqortooyada majeerteeniya waxaa xarun ahayd Caluula . Sidoo kale 1927 Caluula waxay naqotay Caasumada Majeerteeniya halkaas oo looga arimin jiray dhammaan gobolada Majeerteeniya sidoo kale waxaa uu heshiis kula galay talyaanigu qabiilada siwooqroon isla degmadaas .Waxaa kaloo jirtay inay ahayd meeshii ugu weyneed ee uu ka jiray dhaqdhaqaaqii xoriyad doonka (SYL) marka laga reebo Muqdisho . Dhinaca horumarka sida aad aragtaan dhismayaasha dhaardheer ee Talyaanigu ka dhisay Magaalada Caluula waxay markhati u tahay horumarkii ka jiray mandiqadaas iyo sida uu talyaanigu u daneynayey . Marka laga eego xaga waxbarashada sanadku markuu ahaa 1956 gobolka Majeerteeniya waxaa ka furnaa 18 iskuul oo sagaal kamid ihi oo ay ku oolaayeyn degmada Caluula Rag badan oo wax ku bartna ay noqdeeyn siyaasigiin iyo dhakhaatiir caan ah . Ilaha dhaqaalle ee degmadu leedahay

Dhaqaalaha

Degmadu waxay leedahay ila dhaqaale oo muhiim ah hadii lahorumariyo waxaana kamid ah :

  1. kalluunka noocyadiisa kala duwan ayada oo degmadu ka mid tahay shanta deegaan (Zone ) ee ugu kalluunka badan uguna taya fiican caalamka sababo juquraafi oogeeyd .
  2. 80% luubaanta Soomaaliya laga dhoofiyo waxay ka timaadaa degmada Caluula waana tan ugu fiican .
  3. timirta kabaxda magaalooyinka geesalay , seyn weyn , seyn yar , murcanyo iyo xaabo waxay ku filantahay dadka reer Puntland oo dhan haday hesho horumarin tayeysan .
  4. xoolaha nool oo ay kamid yihiin ariga iyo geela waa 20% dhaqaalaha degmada
  5. dhuxul dhagaxda kujirta agagaarka magaalada Dhurbood oo ah dhul dhan ilaa kun mitir waxaa dhex jiifa dhuxul dhaqax . dhuxushaa waxaa dibada u dhoofin jiray Talyaaniga xilligii kumaysiga hada waa mid looga faaiidaysan karo isticmaalka dalka .Iyadoo looga kaaftoomi karo adeegsiga dhuxusha dhirta iyo xaalufka dalka hadii loo helo shirkado soo saara .
  6. milixda ama cusbada jaanka caluule waxay noqon kartaa kamiyad suuqyada looga baahanyahay loo dhoofin karo hadii lahormariyo . Xaaladu si kastaba ha ahaateey xilligii kacaanka wixii ka dambeeyey gaar ahaan xilligii burbur ka horumarka degmadu waxay ahayd mid gaabis ah . Maamuladadii kala dambeeyeyna xil iskama saarin wax qabadkeeda marka laga reebo Muddane Cade Muuse oo qaab libaax ka qaatay furitaanka waddada lafa- gorey oo hada furantay.
  1. https://twitter.com/FaarisAdam/status/1436700391173992453