Jump to content

Jiingada

Ka Wikipedia
Jiingada

Gengada
Script error: The function "Somaliland" does not exist.
CountryWanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

GobolkaBari
Maamul ahaan ka tirsan Boosaaso
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Jiingada(Af Ingiriis : Gengada) (Af Carabi : ar‎), Jiingada Waa Magaalo ka tiran magaalooyinka gobolka Bari, Waxay ku barbar taalaa laamiga isku xira Boosaaso iyo gobolada kale ee dalka. Waxaa la assaasay sanadii 1945, waa magaalo koreysa waxaanna Jihada Woqooyi Bari ka xiga Beeraha Dhud oo ah deegaan Beereed qayb weyn ka ciyaara nolosha Dhaqan-dhaqaale ee Magaalada.

Magalada waxaa ilahay ku abuuray oo degen beesha Dubays ee Maxamuud Harti (warsangeli)[1]

Jiingada waxaa ku hareeraysan Deegano ku wanaagsan daaqsinta sida Dooxada Niriq, Dooxooyinka Jiingada Iyo Banka Jiingada. Magaalada waxay aad buux dhaaf u noqotaa xilliga xagaa baxa markaas oo dad badan oo Magaalada Boosaaso ka yimi ay yimaadaan.

Marka loo eego Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland, Jiinagada waxaa ku yaala labo Iskool oo Hoose & Dhexe ah, sidoo kale waxaa ku yaala Iskoolo lagu barto luuqadaha qalaad, Iyo Maderisooyin Quraanka Kariim ka ah lagu barto.

Tuulada Jiingada ayaa ka mid ah meelaha lagu soo dhoweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Archived Luuliyo ama Luulyo 11, 2013 // Wayback Machine

Shir Nabadeed oo Ka Furmay Tuulada Jiingada oo Shalay Agagaarkeeda dagaal ka dhacay Archived Maaj 3, 2021 // Wayback Machine

  1. warsangeli