Mareeg
Coordinates: 3°46′N 47°18′E / 3.767°N 47.300°E
Mareeg | |
---|---|
Degmo | |
Script error: The function "Somaliland" does not exist. | |
Dalka | Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:
1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda. Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah. Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose. Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya. |
Gobolka | Galguduud |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Mareeg Waa magaalo qadiim ah, taariikhdeedu fog tahay oo ku taalla gobolka Galguduud dhanka bari ee xiga dhinaca xeebta Badweynta Hindiya. Waxeyna ka tirsantahay maamulka Galmudug ee bartamaha soomaaliya. Magaaladaan waxa ay ka koobantahay saddax degmo oo kala ah Degmada Ceeldheer, Degmada Galcad iyo Degmada (Bud Bud ama Dur Dur.)
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magaalada Mareeg waxaa la abaabulay qarnigii 16 waxaana aas-aasay sh Da'ud Culusow Cubeyd Cali Magaaladaan waxey ka mid tahay magaalooyinka taariikhda dheer leh Soomaaliya. Waa magaalo xeebeed, waxaa kale oo magaalada loo sameeyay suldaano, qarnigii 15aad iyo 19aad inta u dhaxaysay. Labadaa qarni waxaa ka talin jiray boqorro iyo salaadiin ilaa laga soo gaaro gumeystihii Talyaaniga, kaas oo ka dhigtay xaruntiisa 3aad oo uu ka xukumo dalka Soomaaliya. Mareeg hadda waa magaalo ka mid ah Galmudug State.